Saamaynta Xiritaanka USAID ee Dhaqaalaha Soomaaliya
Xiritaanka Hay’adda Maraykanka ee Horumarinta Caalamiga ah (USAID) horaantii sanadkan ayaa si weyn u saameeyay dhaqaalaha Soomaaliya iyo dakhliga canshuuraha, sida ay sheegtay madaxda Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, Marwo Hodan Osman.
Marwo Hodan oo ka hadlaysay Shirka Financial Times Africa Summit ee ka dhacay magaalada London ayaa sheegtay in hoos u dhaca deeqaha Maraykanka uu saameyn ballaaran ku yeeshay dhaqaalaha guud ee dalka. “Soomaaliya waxaa si dhab ah noogu dhacay hoos u dhac ku yimid wax-soo-saarka guud (GDP),” ayay tiri.
USAID, oo ahayd hay’ad taageerto caafimaadka, waxbarashada iyo mashaariicda horumarineed ee caalamka, ayaa la xiray kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu go’aansaday in la dhimo miisaaniyadda gargaar ee Maraykanka.
Hodan Osman waxay sheegtay in saamaynta ay ka dhalatay aysan kaliya ku ekeyn dhinacyada horumarinta, balse ay si toos ah u taabatay dhaqaalaha dalka, iyadoo yaraanta deeqaha ay hoos u dhigtay dhaqdhaqaaqii ganacsiga iyo dakhliyadii canshuuraha ee dowladda.
Tani waxay tusaale u tahay sida dhaqaalaha Soomaaliya uu ugu tiirsan yahay taageerada caalamiga ah, iyo baahida loo qabo in la xoojiyo ilaha gudaha ee dakhliga si loo dhiso dhaqaale madax-bannaan oo waara.

0 Comments