Soomaaliya oo Bilowday Sahanka Dhaqaalaha iyo Ganacsiga Qaranka

Soomaaliya oo Bilowday Sahanka Dhaqaalaha iyo Ganacsiga Qaranka

 

Soomaaliya oo Bilowday Sahanka Dhaqaalaha iyo Ganacsiga Qaranka


Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliya ayaa todobaadkan bilaawday sahanka sanadlaha ah ee dhaqaalaha iyo ganacsiga, kaas oo lagu ururinayo xog muhiim ah oo u adeegta qorsheynta horumarka, siyaasadda dhaqaalaha iyo soo jiidashada maal-gashiga.

Sahankani wuxuu dabooli doonaa dhammaan qaybaha dhaqaale, isagoo siinaya dowladda cabbir dhab ah oo ku saabsan wax-soosaarka guud ee dalka (GDP), waxaana natiijooyinka laga faa’iideysan doonaa dejinta iyo qiimeynta siyaasadaha dhaqaale.

Agaasimaha guud ee hay’adda, Dr. Cabdisalaan Cabdiraxmaan Maxamed, ayaa sheegay in xogta la ururinayo ay si dhab ah uga tarjumayso xaaladda dhabta ah ee dhaqaalaha Soomaaliya, isla markaana ay faa’iido u noqon doonto ganacsatada, dowladda iyo shacabka guud ahaan. Wuxuu ugu baaqay dhammaan shirkadaha iyo xarumaha ganacsiga inay si buuxda uga qayb qaataan.

Sida uu dhigayo Xeerka Tirakoobka 2020, dhammaan shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowladeedba waxaa waajib ku ah inay bixiyaan xogta uu codsado hay’adda tirakoobka. Mas’uuliyiintu waxay ku adkeeyeen in xogta la ururiyo ay ahaan doonto sir qaran, oo aan loo adeegsan doonin wax aan ahayn ujeeddooyinka tirakoobka.

Hay’addu waxay ugu baaqday shirkadaha, rugaha ganacsiga iyo hay’adaha dawladda inay la shaqeeyaan kooxaha xog-ururinta ee durba ku sugan goobaha dalka. Mas’uuliyiinta ayaa ku tilmaamay sahankan mid qaran oo muhiim ah oo gacan ka geysan doona qaabaynta mustaqbalka dhaqaalaha Soomaaliya iyo kor u qaadista koboca ganacsiga.

Post a Comment

0 Comments