Xeer-ilaaliyaha Guud oo u gudbiyay Maxkamadda Gobolka Banaadir eedeysane ku eedeysan dembi culus

Xeer-ilaaliyaha Guud oo u gudbiyay Maxkamadda Gobolka Banaadir eedeysane ku eedeysan dembi culus

Xeer-ilaaliyaha Guud oo u gudbiyay Maxkamadda Gobolka Banaadir eedeysane ku eedeysan dembi culus


Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya ayaa dacwad u gudbiyay Maxkamadda Gobolka Banaadir, kadib markii Ali Abdi Sheikh Khadar, loo yaqaan Dhegadiish, lagu eedeeyay inuu ilmo yar si nool ah u aasay, falkaasna duubay oo ku faafiyay baraha bulshada.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xeer-ilaaliyaha ayaa lagu sheegay in maxkamaddu amar ku bixisay in eedeysanaha lagu hayo xabsi ku-meelgaar ah inta baaritaanka socdo.

“Xafiisku isagoo gudanaya waajibaadkiisa difaaca iyo dhowrista karaamada carruurta Soomaaliyeed, wuxuu digniin culus siinayaa cid kasta oo ku xadgudubta carruurta, in tallaabo sharci ah laga qaadi doono oo maxkamad la horkeeni doono,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Xeer-ilaaliyuhu waxa uu booliska Soomaaliya ku booriyay in la xoojiyo tallaabooyinka looga hortagayo dambiyada baraha bulshada ka dhaca, gaar ahaan kuwa lid ku ah xuquuqda aasaasiga ah ee carruurta.

Xafiiska ayaa mar kale ku celiyay inay si adag ula xisaabtami doonaan cid kasta oo ku kacda xadgudubka carruurta, islamarkaana lagu horgeyn doono cadaaladda.

Arrintan waxay daba socotaa xiritaanka todoba dhallinyaro ah oo Muqdisho lagu qabtay, kuwaas oo lagu arkay muuqaallo ay ku sameynayeen falal halis ah oo mindiyo la xiriira gudaha garoomo, taas oo walaac xooggan dhalisay.

Falalkan waxay muujinayaan baahida degdegga ah ee loo qabo xoojinta ilaalinta xuquuqda carruurta iyo ka hortagga dambiyada lagu faafiyo baraha bulshada.

 

Post a Comment

0 Comments