Taliyaha Booliska Soomaaliya oo Booqday Ciraaq si loo Xoojiyo Iskaashiga Amniga

Taliyaha Booliska Soomaaliya oo Booqday Ciraaq si loo Xoojiyo Iskaashiga Amniga

Taliyaha Booliska Soomaaliya oo Booqday Ciraaq si loo Xoojiyo Iskaashiga Amniga


Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guud Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa Arbacadii kulan muhiim ah ku yeeshay magaalada Bağdad ee dalka Ciraaq, isagoo la kulmay dhiggiisa Ciraaqi ah, Sareeye Guud Saad Khalaf Badr Al-Halfi. Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga, tababarka booliska, is-weydaarsiga aqoonta, iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay Danjiraha Soomaaliya ee Ciraaq, Ridwaan Xirsi Maxamed, iyo saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, halka dhinaca Ciraaqna ay goob joog ahaayeen mas’uuliyiin sar sare oo boolis ah.

Sareeye Guud Al-Halfi ayaa si diirran u soo dhaweeyay wafdiga Soomaaliyeed, isaga oo ku casuumay Taliyaha Booliska Soomaaliya wada-hadallo dheeraad ah oo lagu sii ambaqaadayo iskaashiga labada dal. Soomaaliya iyo Ciraaq waxaa ka dhexeeya xiriir diblomaasiyadeed iyo mid diimeed oo soo jireen ah, iyadoo labada waddan ay xubno ka yihiin Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), iyo Qaramada Midoobay (UN).

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada labada dal ay wadaan si ay u xoojiyaan awooddooda amni iyo difaac, maadaama ay labaduba kasoo kabanayaan sanado badan oo colaado iyo xasillooni darro ah.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sheegay in iskaashigan cusub uu yahay mid lagu horumarinayo xirfadda iyo hufnaanta booliska, iyadoo la filayo in mustaqbalka dhow la qabto barnaamijyo tababar iyo aqoon-is-weydaarsi wadajir ah.

Iskaashigan cusub wuxuu astaan u yahay xiriir sii xoogeysanaya oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Ciraaq, kaas oo lagu dhisayo nabad iyo amni waara oo dan u ah labada shacab.

 

Post a Comment

0 Comments