Dekedda Muqdisho: Wadnaha Koboca Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Ganacsiga Gobolka Geeska Afrika
Dekedda Muqdisho oo ah tan ugu weyn Soomaaliya ayaa noqotay xarun muhiim ah oo ganacsi iyo horumar dhaqaale ka hirgelinaysa gobolka Geeska Afrika. Iyada oo ganacsiga gobolka uu sii kordhayo, dekeddu waxay ku tallaabsatay guulo muuqda oo dhinaca maamulka, adeegyada iyo wax-soo-saarka ah.
Sida lagu sheegay warbixinta World Bank iyo S&P Global (CPPI 2024), Dekedda Muqdisho ayaa noqotay tan ugu hufan Bariga Afrika, kana horreysa dekedaha Mombasa, Djibouti iyo Dar es Salaam. Sidoo kale, waxay gashay kaalinta labaad guud ahaan Afrika-hoose — guul taariikhi ah oo muujinaysa isbeddelka socda ee Soomaaliya.
Dowladda Federaalka iyo Maamulka Dekedda Muqdisho ayaa si wadajir ah u hirgeliyay mashaariic casri ah, oo ay kamid tahay terminal cusub oo kontaynarro ah oo kordhiyay awoodda dekedda ilaa 250,000 TEUs sanadkii. Tani waxay hoos u dhigtay ciriiriga iyo waqtiga maraakiibtu ku sugaan dekedda.
Waxaa sidoo kale socda qorshe lagu dhisayo deked cusub oo casri ah oo 35 km u jirta Muqdisho, taasoo yeelan doonta Aag Dhaqaale Gaar ah (SEZ), xarumo kayd, warshado yaryar, iyo goob ganacsi caalami ah.
Dekedda hadda jirta waxay sanadkii maamushaa ilaa 2 milyan oo tan oo badeeco ah, taas oo ah il muhiim ah oo dhaqaale u ah dowladda federaalka, isla markaana abuureysa kumannaan shaqooyin toos ah iyo kuwo dadban. Marka la dhammeeyo ballaarinta cusub, dekeddu waxay filaysaa in dakhligeedu labalaabmo ilaa $500 milyan sanadka 2030, iyadoo abuuri doonta in ka badan 25,000 shaqooyin cusub.
Dekedda Muqdisho waa calaamad u taagan dib-u-dhalashada dhaqaalaha Soomaaliya, waxayna noqotay halbowlaha ganacsiga iyo isku-xirka dalalka Geeska Afrika.

0 Comments