NIRA oo ku dhawaaqday in la joojinayo bixinta Kaarka Aqoonsiga Qaranka bilaashka ah
Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya (NIRA) ayaa ku dhawaaqday in laga bilaabo 31-da Oktoobar 2025 aan mar dambe si bilaash ah loo bixin doonin Kaarka Aqoonsiga Qaranka.
War-saxaafadeed ay soo saartay NIRA ayaa lagu wargeliyay dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan weli qaadan kaarkooda in ay fursadda ka faa’iidaystaan inta aysan dhamaan muddada ka-dhaafista lacagta diiwaangelinta.
“Muddada ka-dhaafista lacagta diiwaangelinta Kaarka Aqoonsiga Qaranka waxay ku egyahay 31-da Oktoobar. Fadlan ka faa’iidayso fursaddan oo iska diiwaangeli xarunta NIRA ee kuugu dhow,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Go’aankan ayaa sababay in dad badan ay isugu soo baxaan xarumaha diiwaangelinta guud ahaan dalka, iyadoo maamulka NIRA uu qaaday tallaabooyin lagu yareynayo ciriiriga si adeeggii uu si hufan u socdo.
Inkasta oo aan la shaacin qiimaha cusub ee diiwaangelinta, haddana NIRA waxay sheegtay in barnaamijka aqoonsiga dijitaalka ah uu yahay tiir muhiim u ah qorshaha dowladnimo casri ah ee Soomaaliya. Dowladda ayaa qorsheynaysa in la diiwaangeliyo 15 milyan oo qof sanadka 2029-ka, si loo fududeeyo helitaanka adeegyada bulshada, bangiyada iyo daahfurnaanta maamulka.
Barnaamijkan aqoonsiga dijitaalka ah waa guul muhiim ah oo dhanka horumarka Soomaaliya ah, wuxuuna siinayaa muwaadin kasta aqoonsi rasmi ah oo sugan oo u sahlaya inuu si fudud u helo adeegyada muhiimka ah ee dalka.
NIRA waxay ugu baaqday shacabka: “Iska diiwaangeli maanta, si aad uga mid noqoto mustaqbalka dijitaalka ah ee Soomaaliya.” 🇸🇴

0 Comments