Soomaaliya oo Bilowday Tartanka Caalamiga ah ee Baasaboorka Jiilka Saddexaad
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (ICA) ayaa ku dhawaaqday bilowga tartan caalami ah oo lagu soo saarayo baasaboorka jiilka saddexaad, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu casriyeynayo nidaamyada aqoonsiga qaranka iyo amniga safarka.
Baasaboorka cusub ee elektaroonigga ah ayaa laga sameyn doonaa walxo adag oo “polycarbonate” ah, waxaana lagu dari doonaa tiknoolajiyad casri ah oo ah biometric iyo ka hortag been-abuur, taas oo la jaanqaadaysa heerarka amni iyo tayo ee Ururka Duulimaadyada Caalamiga ah (ICAO).
War-saxaafadeedka ay soo saartay hay’addu ayaa lagu tilmaamay tallaabadan inay tahay “guul weyn oo lagu horumarinayo adeegyada socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya.” Mashruuca waxaa lagu hirgelin doonaa qaabka iskaashiga dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay (PPP) si loo dardar geliyo hufnaanta iyo daahfurnaanta adeegga.
ICA ayaa sheegtay in tartanka lagu fulin doono si waafaqsan Sharciga Iibsiga Qaranka ee Soomaaliya, si loo hubiyo tartan furan iyo daahfurnaan buuxda. Hay’addu waxay ballanqaadday in dhammaan marxaladaha qiimeynta ay furan yihiin oo ay bulshada si toos ah ula socon karto.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in baasaboorka cusub uu kor u qaadi doono tayada iyo cimrigiisa, isla markaana uu xoojin doono kalsoonida caalamka ee dukumiintiyada socdaalka Soomaaliyeed. “Baasaboorkan cusub wuxuu sare u qaadi doonaa sumcadda iyo sharafka muwaadiniinta Soomaaliyeed dunida,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in la qaban doono wadatashiyo ballaaran oo lala yeesho shacabka, hay’adaha dowliga ah iyo bulshada rayidka si loo hubiyo in baasaboorka cusub uu matalo aqoonsiga iyo sharafta shacabka Soomaaliyeed.
Beddelkii ugu dambeeyay ee nidaamka baasaboorka Soomaaliya wuxuu dhacay 2013, markaas oo la hirgeliyay baasaboorka elektaroonigga ah ee ugu horreeyay. Noocan cusub ee jiilka saddexaad ayaa la filayaa inuu la jaanqaado baahiyaha cusub ee socdaalka caalamka iyo ujeedooyinka dijitaalka ah ee dowladda Soomaaliya.

0 Comments