Jaamacadda Zamzam oo Hogaaminaysa Isbeddelka Beeraha Soomaaliya
Jaamacadda Cilmiga iyo Tiknoolajiyadda Zamzam (ZUST) ee Muqdisho fadhigeedu yahay ayaa noqotay hormuudka xalinta caqabadaha amniga cuntada ee dalka, iyadoo ku guuleysatay kordhinta wax-soosaarka beeraha iyo tababarka jiilka cusub ee beeraleyda.
Jaamacadda, oo taageero ka hesha hay’adaha Turkiga sida TIKA iyo IHH, ayaa soo bandhigtay tiknoolajiyad casri ah oo lagu hormarinayo beeraha, gaar ahaan isticmaalka aqalka dhirta lagu koriyo (greenhouse). Tani waa markii ugu horreysay ee aqal-dhismeedkan lagu isticmaalo Soomaaliya, waxaana ka soo baxay khudaar iyo miro kala duwan sida yaanyo, basbaas, qajaar, muus iyo cambe.
Guddoomiyaha Jaamacadda, Prof. Maxamuud Maxamed Xasan Harbi, ayaa sheegay in mid ka mid ah guulaha ugu weyn ee Zamzam ay tahay in ay wax badan ka tari karto amniga cuntada Soomaaliya, isagoo xusay in arday badan oo halkaas lagu tababaray ay maanta ka shaqeeyaan wasaaradda beeraha iyo dowlad-goboleedyada dalka.
Jaamacaddu waxay diiradda saartay sidii dhalinyarada loogu baran lahaa farsamooyinka casriga ah ee beeraha, iyadoo sidoo kale beeralayda la tusay sida loo isticmaalo aqalka dhirta lagu koriyo si biyaha loogu badbaadiyo loona kordhiyo waxsoosaarka.
Inkasta oo Soomaaliya leedahay laba wabi iyo dhul bacrin ah, haddana beeraley badan ayaa ku tiirsan roobka kaliya, sababtoo ah awood uma laha matoorro ay biyaha wabiyada ama ceelasha uga soo saaraan. Hase yeeshee, Prof. Harbi ayaa ku adkeeyay in haddii taageero la siiyo beeraleyda, Soomaaliya ay soo saari karto cunto ku filan dadkeeda.
Ku-xigeenka dekanka, Cabdirisaaq Maxamed Sheekh Cabdi, ayaa sheegay in dagaalladii sokeeye ay hoos u dhigeen beeraha Soomaaliya, balse iyadoo la adeegsanayo tiknoolajiyad cusub oo lagu soo kordhiyey dalka, maanta dalagyada sida galleyda iyo qamadiga la beeray ayaa si weyn uga qayb qaadan kara yareynta macaluusha.
Ugu dambeyn, Jaamacadda Zamzam waxay muujisay in mustaqbalka Soomaaliya uu ku xirnaan karo waxbarashada casriga ah iyo beeraha waara. Haddii tallaabooyinka saxda ah la qaado, waxaa suuragal ah in Soomaaliya aysan mar dambe la kulmin macaluul ama dhibaatooyin cunto.
.jpg)
0 Comments