R/Wasaaraha Soomaaliya oo daah-furay mashruuc koronto bilaash ah loogu adeegayo xarumaha caafimaadka

R/Wasaaraha Soomaaliya oo daah-furay mashruuc koronto bilaash ah loogu adeegayo xarumaha caafimaadka

R/Wasaaraha Soomaaliya oo daah-furay mashruuc koronto bilaash ah loogu adeegayo xarumaha caafimaadka


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Arbacadii si rasmi ah u furay mashruuc ballaaran oo koronto lagu gaarsiinaayo 150 xarumood oo caafimaad ah guud ahaan dalka, korontadana si bilaash ah loogu adeegi doono.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed muddo dheer u baahnaayeen adeeg koronto lagu kalsoonaan karo, gaar ahaan goobaha caafimaadka iyo waxbarashada. Wuxuu ku tilmaamay mashruucan qayb ka mid ah dadaallada dowladda ee lagu ballaarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada muhiimka ah, isagoo xusay in korontadu ka timaado tamar cagaaran oo deegaan-saaxiib ah.

“Dowladdu waxay xooga saartay sidii shacabka loogu heli lahaa koronto iyo waxbarasho tayo leh,” ayuu yiri Xamsa, isagoo intaas ku daray in mashruucan uu sare u qaadi doono tayada adeegyada bulshada isla markaana uu u suurtagelin doono muwaadiniinta in ay helaan tamar raqiis ah.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda korontadu u leedahay horumarinta adeegyada bulshada, isaga oo ballan qaaday in mashruuca la ballaarin doono si uu u gaaro dhammaan gobollada dalka.

Mas’uuliyiintu waxay ku tilmaameen mashruucan guul weyn oo muujinaysa go’aanka Dowladda Federaalka ee ah in la hagaajiyo nolosha shacabka. Sidoo kale, isticmaalka tamarta cagaaran waxa uu gacan ka geysan doonaa mustaqbal tamareed oo waara oo Soomaaliya leedahay.

 

Post a Comment

0 Comments