Shirweynaha Waxbarashada Qaranka oo si Rasmi ah looga Furay Jowhar

Shirweynaha Waxbarashada Qaranka oo si Rasmi ah looga Furay Jowhar

 

Shirweynaha Waxbarashada Qaranka oo si Rasmi ah looga Furay Jowhar


Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), ayaa Axadii si rasmi ah uga furay magaalada Jowhar oo ah caasimadda ku-meelgaarka ah ee maamulka Hirshabelle, Shirka Talo-bixinta Waxbarashada Qaranka.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka, waxa uu isu keenayaa wakiillo ka socda dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka iyo maamulka Gobolka Banaadir, si ay uga wada hadlaan siyaasadda iyo dib-u-habaynta waxbarashada dalka.

Wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in shirka laga filayo go’aanno muhiim ah oo qaabeyn doona mustaqbalka waxbarashada Soomaaliya. Wuxuu xusay in shirarku ay xoojinayaan wada-shaqeynta Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada, isla markaana dhiirrigelin doonaan ardayda Soomaaliyeed ee ka filanaya hoggaankooda horumar iyo hufnaan.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Hirshabelle martigeliso markii ugu horreysay soo bandhigidda natiijooyinka imtixaanka dugsiyada sare ee qaranka. Wuxuu rajo ka muujiyay in shirkan uu ka soo bixi doono natiijooyin waxtar u leh horumarinta waxbarashada dalka oo dhan.

Sanadkan, tirada guud ee ardayda galay imtixaanka dugsiga sare waxay ahayd 37,052, halka 34,742 ka mid ahi ay guuleysteen, iyo 2,310 oo ku dhicisoobay. Heerka guusha guud ee dalka oo gaaray 93.8% ayaa loo arkay guul weyn oo muujinaysa dib-u-soo-nooleynta nidaamka waxbarasho ee Soomaaliya, kaddib tobanaan sano oo dagaal iyo qalalaase ah.

Post a Comment

0 Comments