Madaxweyne Xasan Sheekh: Burburinta Muqdisho Waa Lagama Maarmaan Amni iyo Horumar

Madaxweyne Xasan Sheekh: Burburinta Muqdisho Waa Lagama Maarmaan Amni iyo Horumar

Madaxweyne Xasan Sheekh: Burburinta Muqdisho Waa Lagama Maarmaan Amni iyo Horumar


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka difaacay burburinta iyo daad-gureynta ka socota magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu sharci ahaan mas’uul ka yahay dhulka caasimadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayey Masaajidka Madaxtooyada kadib salaaddii Jimcaha ayaa sheegay in eedeymaha mucaaradku u jeedinayaan dowladda federaalka aanay sal lahayn, maadaama arrimaha dhulka ay hoos tagaan maamulka Gobolka Banaadir.

“Muqdisho mar dambe ma ahaan doonto magaalo ciriiri ah oo Al-Shabaab ku dhuuman karaan, maydadna aan loo aasi karin, ama gawaarida dab-demiska aysan mari karin,” ayuu yiri Madaxweynaha, isagoo carrabka ku adkeeyey in tallaabooyinku yihiin kuwo lagu hagaajinayo amniga, nidaamka iyo kaabeyaasha magaalada.

Madaxweynaha ayaa qiray in dadka qaarkood ay saameeyeen burburinta iyo daad-gureynta, balse ku tilmaamay inay lagama maarmaan u yihiin badbaadada iyo horumarka mustaqbalka fog ee Muqdisho. Wuxuu intaas ku daray in muwaadiniinta haysta dukumiintiyada sharci ee dhulkooda ay xaq u leeyihiin inay maxkamadaha ku difaacdaan xuquuqdooda.

Bilihii la soo dhaafay, ciidamada dowladda ayaa dumiyey guryo iyo dhismayaal ku yaalla qaybo ka mid ah Muqdisho, sida agagaarka Dab-Damiska ee degmada Wadajir. Go’aankii hore ee lagu rarayey qabuuraha Muqdisho si loogu sameeyo saldhig cusub oo ciidanka Badda Soomaaliya ayaa dhaliyey caro shacab, iyadoo qoysas lagu amray inay dib u aasaan meydadka ehelkooda.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka, oo ay ku jiraan Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, ayaa dhaliilay habka dowladda, iyagoo ku eedeeyey musuqmaasuq iyo maamul xumo, ayna yiraahdeen dhaqamadaas waxay dhaawacayaan kalsoonida shacabka. Waxayna ugu baaqeen dowladda inay si cad oo hufan uga shaqeyso maamulka dhulka iyo hantida guud.

 

Post a Comment

0 Comments