Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa lix madfac oo hoobiye ah ku garaacay garoonka Aadan Cadi

 Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa ku soo dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadi ee magaalada Muqdisho


Garoonka Aadan Cadi

Rag hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa maalintii 2-aad oo xiriir ah weeraro Madaafiic ah ku garaacay garoonka Aadan Cadi iyo xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, waxaana ay ku dhaceen ilaa lix madfac.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in madaafiicda qaar ay ku soo dhaceen xaafado ka tirsan degmada Wadjar, waxaana ku dhaawacmay haweeney iyo wiil.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka, balse Al-shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida ayaa horay sidan oo kale weerarro ula beegsaday xarumaha waaweyn ee dowladda ee magaalada.


Post a Comment

0 Comments