Maamulka Khaatumo ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay socdaalka Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi ee magaalada Laascaanood
Maamulka KMG ah ee Khaatumo ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre uu ku tagay magaalada Laascaanood ee xarunta maamulkaasi.
General Cabdi Xasan Maxamed “Xajar”, Wasiirka Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ee Maamulkaasi, ayaa tilmaamay inay socoto qaban qaabada soo dhaweynta Ra’iisal Wasaaraha, si diiran.
Xajar ayaa yiri “Waxaan si buuxda ugu diyaar garoobay soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo la filayo inuu gaaro Laascaanood. Waxa uu intaasi ku daray “Deegaanka Khatama hadda waa meesha ugu amniga badan dalka, dadkuna aad ayay u sugayaan imaanshaha Ra’iisul Wasaaraha”.
Gabagabadii, mas’uuliyiintu ma aysan cayimin booqasho uu Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ku tagayo Laascaanood, taasoo la filayo inay noqoto mid taariikhi ah, iyadoo ay noqonayso booqashadii ugu horreysay ee madaxda dowladda Federaalka uu ku tago magaaladaas tan iyo markii ciidamada Somaliland laga saaray magaalada 2023-kii.
0 Comments