Xamza Cabdi ayaa xaqiijinaya in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay ciribtirka dagaalyahannada Al-Shabaab

 Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay Soomaalida in ay u midoobaan ciribtirka Al-Shabaab


Xamza Cabdi

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay ciribtirka dagaalyahannada Al-Shabaab oo uu ku tilmaamay khawaarijta, isagoo carabka ku adkeeyay in Soomaaliya aysan horumar gaari karin inta ay dalka joogaan kooxaha argagixisada ah.

Khudbad uu Ra’iisul Wasaaruhu ka jeediyay Quraacda ay ka soo qeyb galeen arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay dalka Malaysia, ayaa si weyn ugu nuux-nuux saday khasaarihii xoogganaa ee ay maleeshiyaadkaasi ka soo gaareen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, isagoo ku sifeeyay dagaalka inuu yahay mid jira oo mustaqbalka Soomaaliya lagu doonayo.

 Ra’iisul Wasaare Xamzah ayaa yiri “Ujeedka kaliya ma ahan in Khawaarijta laga adkaado, balse waa in gabi ahaanba la baabi’iyo, Soomaaliya ma horumari karto inta ay ka taliyaan qeyb yar oo ka mid ah dhulkeena, waa lagama maarmaan in dhammaanteen aan u midowno sidii aan isaga difaacno”.

Khudbadda Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo beegantay iyadoo dowladda Soomaaliya ay caqabado badan kala kulmeyso Xarakada Al-Shabaab oo weli sii wada weerarada ay ka geysanayaan gobolka Sh/dhexe oo xiga dhanka magaalada Muqdisho, halkaasoo dagaalyahanadooda ay Arbacadii u suuragashay inay gudaha u galaan magaalada istiraatiijiga ah ee “Masaajidka Cali-Guudd”.


Post a Comment

0 Comments