Madaxweynaha Midowga Afrika oo ku dhawaaqay in Soomaaliya ay ka taageerayaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab
Madaxweynaha Ururka Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf ayaa booqashadii uu ku tagay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya waxa uu sheegay in Midowga Afrika ay ka taageeri doonaan dowladda federaalka Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana uu ku ammaanay doorka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku leeyahay nabadeynta dalka.
Yuusuf ayaa balan qaaday in ciidamo Afrikaan ah la geyn doono gobolada kala duwan ee Soomaaliya isagoo dhanka kale qiray caqabadaha dhanka farsamada iyo dhaqaalaha ee hortaagan howlgalka cusub ee Afrikaanka ah ee Soomaaliya.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in aysan dhag jalaq usiin wararka been abuurka ah ee lagu baahinayo baraha bulshada si qalqal amni looga abuuro Soomaaliya.
Mas’uulkan ka socday Afrika ayaa bogaadiyay tillaabooyinka ay Soomaaliya ku horumarinayso hannaanka maaliyadda, taasoo horseedday in Soomaaliya laga cafiyo deymaha, wuxuuna caddeeyay in dalku uu ku wargeliyay beesha caalamka in uu doonayo in la cirib-tiro kooxaha argagaxisada ah si nabad waarta loogu soo dabaalo Soomaaliya.
Yuusuf ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud doorka taariikhiga ah ee ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay ku guuleysiga hoggaanka Midowga Afrika, wuxuuna booqashadiisa Muqdisho ku tilmaamay mid muujineysa muhiimadda Midowga Afrika uu u leeyahay Soomaaliya.
0 Comments