Xamza Cabdi Berri oo ka qeyb galay shir madaxeed wadajir ah oo looga hadlayay arrimaha ammaanka ee Bariga iyo Koonfurta Afrika

 Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qeyb galaya shir madaxeed wadajir ah oo looga hadlayo arrimaha ammaanka ee bariga iyo koonfurta Afrika


Xamza Cabdi Berri

Hamza Abdi Berri oo shir madaxeedka wada jir ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay shir guud oo xalay ahaa mid si wada jir ah u dhexmaray dalalka xubnaha ka ah ururka bulshada Bariga Afrika iyo dalalka Koonfurta Afrika.

Shir madaxeedka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda ammaan ee bariga DRC, waxaana khudbaddiisa ku sheegay ra’iisul wasaare Xamza in dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ka jira bariga Kongo ay u baahan tahay mas’uuliyadda dalalka gobolka si xal loogu helo arrintan si degdeg ahna wax looga qabto.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay aaminsan tahay suurtagalnimada in nabad waarta lagu gaaro Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo iyadoo loo marayo qorshe ballaaran oo ay ka qeybgalaan dhammaan dhinacyada isku haya, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, si xal waara oo amni looga gaaro dagaallada socda.

War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen shir-madaxeedka ka dib ayaa lagu shaaciyay in la sameeyay guddi ka kooban shan xubnood oo ay ku jiraan madaxweynayaal hore, kuwaas oo loo xil saaray inay ka shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa arrimaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Guddiga waxaa ka mid ah: Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo, Madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta, Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Kgalema Motlanthe, Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika Catherine Samba-Panza, iyo Madaxweynihii hore ee Itoobiya Sahle-Work Zewde.




Post a Comment

0 Comments