Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo daah-furay Qorshaha Isbedelka Qaranka (2025-2029)
Qorshaha Isbadalka Qaranka Soomaaliya (2025-2029)
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa si rasmi ah u daah-furay Qorshaha Isbeddelka Qaran ee Soomaaliya (2025-2029), oo ah istaraatiijiyad ballaaran oo lagu horumarinayo siyaasadda, amniga, garsoorka, bulshada iyo dhaqaalaha dalka.
Khudbad uu Ra’iisul Wasaaruhu ka jeediyay Munaasabadda lagu soo bandhigayay Miisaaniyadda Dowladda oo ka dhacday Muqdisho ayaa ku nuux-nuux saday in qorshahan oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada uu yahay mid lagu xoojinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo xoojinta hay’adaha dowladda.
Khudbadii Xamza Cabdi ee xafladda daahfurka
Berri ayaa yiri “Waxaan diyaarinay Qorshaha Isbadalka Qaranka (2025-2029) si aan u hormarino horumarka dhinacyada maamulka, amniga, cadaalada iyo arrimaha bulshada, anagoo sare u qaadnay ilaha dakhliga qaranka iyo fursadaha maalgashi.
Qorshaha Isbadalka Qaran ee (2025-2029) waxaa lagu sameeyay hannaan ballaaran oo ay ka qeybgaleen in ka badan 400 oo khubaro iyo daneeyayaal ah, taasoo ka tarjumaysa dadaallo iskaashi oo lagu doonayo in Soomaaliya lagu geliyo waddo horumar waara.
Qorshahan oo si weyn diiradda u saaraya xasilloonida siyaasadda, xoojinta amniga, dib-u-habaynta garsoorka iyo horumarinta bulshada, ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka ciyaaro qaabaynta mustaqbalka Soomaaliya.
0 Comments