Soomaaliya ayaa doonaysa in ay meesha ka saarto xukunnada dilka ah ee ka dhanka ah muwaadiniinteeda ku sugan Sacuudiga
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa doonaysa in ay meesha ka saarto xukunnada dilka ah ee lagu riday ku dhawaad 40-muwaadiniin Soomaaliyeed oo hadda ku xiran Boqortooyada Sacuudiga, taasi oo qeyb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo ilaalinta sharciga ah ee muwaadiniinteeda ku sugan dalka dibadiisa.
Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka ee Xukuumadda Somaliya, Xasan Macalin, ayaa Jimcihii sheegay in faylkaan uu kala hadlay Safiirka Sacuudiga ee Somaliya. Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray joojinta fulinta xukunnada dilka ah iyo kor u qaadista iskaashiga garsoorka ee labada dal.
Wasiirka ayaa sidoo kale soo jeediyay in Wasaaradda Cadaaladda Sacuudiga la saxiixdo heshiis la isku dhaafsanayo maxaabiista, taasoo u ogolaaneysa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee la xukumo inay ku dhameysan karaan xabsiyada Soomaaliya.
Talaabooyinkaan dublamaasiyadeed ayaa imaanaya kadib markii dil toogasho ah lagu fuliyay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Nuur Xuseen oo bishii February ee sanadkii 2025-kii lagu dilay gowrac, kadib markii lagu eedeeyay in uu tahriibinayay.
Intaasi ka dib, qoysaskii maxaabiista Soomaaliyeed ee dilka lagu xukumay ayaa soo abaabulay dibadbaxyo ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ku dalbanayeen in dowladda Soomaaliya ay soo farageliso si loo badbaadiyo qoysaskooda.
0 Comments