Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya
Xamza Cabdi oo la kulmay Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan
Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta oo Arbaca ah kulan la qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan u fadhiya Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Khaliil Axmed Effendi, waxayna ka wadahadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo fursado cusub oo iskaashi oo dhinacyo kala duwan leh.
Danjire Abdul Rahman ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed garab istaagga ay u fidiyeen dowladda iyo shacabka Suudaan xilliyadii qalalaasaha ahaa ee uu dalkiisa ka dhacay, wuxuuna ballan qaaday in Suudaan ay ka shaqeyn doonto xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal.
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa dhankiisa uga mahadceliyey walaalaha Suudaan doorkii ay ka qaateen wacyi gelinta dhalinyarada Soomaaliyeed xilligii adkaa ee uu dalkiisa soo maray, isagoo xusay in dowladda Soomaaliya ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Suudaan, wuxuuna bogaadiyay dadaalka loogu jiro soo celinta xasilloonida Suudaan iyo xoojinta midnimada shacabka Suudaan.
0 Comments