Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safar aan la shaacin ku tagay dalka Imaaraadka Carabta
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah booqasho aan la shaacin ku tagay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, todobaadyo kaddib markii uu Imaaraadka ka cafiyay deymihii lagu lahaa Soomaaliya.
Madaxweynaha waxaa socdaalkan ku wehlinaaya tiro wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumadda Somaliya iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah.
Inta uu ku guda jiro booqashadiisa, waxaa la filayaa in Madaxweyne Maxamuud uu la kulmo madaxda sare ee Emirate-ka Carabta, oo uu kala hadlo sidii Dowladda Imaaraatka Carabta ay u xoojin laheyd taageerada ay siiso Somaliya, si looga hortaggo Ururka Al Shabaab, iyadoo ay u sii dheer tahay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan leh.
0 Comments