Golaha shacabka ayaa ka doodaya sharciyo waaweyn oo ku saabsan garsoorka iyo la dagaalanka argagixisada

 Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa ka doodaya sharciyo qabyo ah oo waaweyn


Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Madubi”

Sharciyada muhiimka ah ee garsoorka iyo la dagaalanka argagixisada

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa fadhigii maanta oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Madoobe” waxa ay kaga doodeen sharciyada ugu waa weyn ee Garsoorka iyo la dagaalanka Argagixisada.

Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa soo bandhigay heshiiska iskaashiga garsoorka Soomaaliya iyo Turkiga, isagoo tilmaamay muhiimadda uu u leeyahay nidaamka cadaaladda Soomaaliya iyo saameynta uu ku yeelan karo dib u habeynta garsoorka.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iman Agha ayaa akhrinta labaad hordhigay laba hindise sharciyeed oo waaweyn, kuwaas oo kala ah wax ka bedelka ka hortagga lacagaha la dhaqo iyo la dagaalanka maalgelinta sharciga argagixisada iyo qabyo qoraalka sharciga cashuuraha dakhliga.

Xildhibaanada ayaa dood ka yeeshay labada hindise sharciyeed, iyagoo qiimeyn ku sameeyay ahmiyadda ay qaranka u leeyihiin, waxaana guddoonka golaha shacabka uu guddiga maaliyadda u xilsaaray in warbixintii akhrinta saddexaad ee xildhibaanada lagu daro ka hor inta aan labada hindise sharciyeedka dib loogu celin baarlamaanka si ay uga doodaan.

Post a Comment

0 Comments