Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay heshiiska Urur Goboleedka IGAD

 Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ansixiyay heshiiska IGAD ee lagu xoojinayo iskaashiga gobolka


Golaha Wasiirada Soomaaliya

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay heshiiska Urur Goboleedka IGAD, kaasi oo ka dhigan guul muhiim ah oo laga gaaray dadaallada is dhexgalka gobolka.

Ansixinta Golaha Wasiirada ee heshiiska Khamiistii waxa ay xoojinaysaa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay iskaashiga gobolka, kobaca dhaqaalaha iyo xasilloonida mustaqbalka fog.

Heshiiska IGAD waxa uu si rasmi ah u dhigayaa qaab-dhismeedka hay’adeed ee urur goboleedka, kaas oo la aas aasay 1996-kii si uu u beddelo urur-goboleedka abaaraha iyo horumarinta ee la aas aasay 1986-kii, kaas oo ay Soomaaliya ka mid ahayd aasaasayaashii.

Xoghayaha fulinta IGAD, Dr. Workneh Gebeho, ayaa soo dhoweeyay go’aanka Soomaaliya, isagoo u mahad celiyay Golaha Wasiirada Soomaaliya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sida ay hormuudka uga yihiin xoojinta iskaashiga gobolka.

"Tani waa tallaabo weyn oo loo qaaday dhanka xoojinta xiriirka gobolka, isdhexgalka dhaqaale iyo nabad waarta oo Soomaaliya iyo gobolka IGAD," Dr. Workneh ayaa yiri.

Ansixintan ayaa ku soo beegantay xilli Soomaaliya ay si firfircoon ula falgalayso saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si kor loogu qaado maqaamkeeda dhaqaale iyo siyaasadeed, waxaana la filayaa in heshiiska IGAD uu sare u qaado ka qaybgalka Soomaaliya ee ganacsiga gobolka, mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha iyo hindisayaasha nabadaynta.

Post a Comment

0 Comments