Bixitaanka Liverpool ayaa saameyn ku yeelanaya fursadda Salah ee ku guuleysiga Ballon d’Or

 Kadib bixitaankii Liverpool...miyuu dhamaaday hamiga Salah ee Ballon d’Or?


Mohamed Salah

Murugada ayaa ku dhacday kooxda reer England ee Liverpool ka dib markii ay ka hartay Champions League, fiidnimadii Talaadada, iyadoo ay gacanta u gashay kooxda reer France ee Paris Saint-Germain, laakiin khasaaraha ayaa sii laba jibaarmay garabka xulka qaranka Masar ee Mohamed Salah, kaasoo rajeynayay in Reds ay sii wadato tartanka si uu kor ugu qaado rajadiisa ku guuleysiga Kubadda Dahabka ah.

Liverpool ayaa lugtii 2-aad ee tartanka champions League guuldaro la kulantay iyada oo aan wax jawaab ah laga helin taas oo la mid ah natiijadii lugtii hore ee ay guusha ku raacday kooxda Ingariiska, sidaas darteed saaxiibadii Salah ayaa rigoorayaal 4-1 ah kaga soo baxay lugtii 2-aad ee wareega 8-aad ee horyaalka.

Salah ayaa xilli ciyaareed aan caadi ahayn la qaadanaya Liverpool, xilli uu ilaa haatan dhaliyay 32 gool, waxaana uu sameeyay 22 caawin intii lagu guda jiray 42 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan, taasoo ka dhigtay rajo ah inuu si adag ugu tartamo abaalmarinta caalamiga ah.

Shaqsiga ugu cad cad ee ka hadlay musharixiinta ku guulaysta abaal marinta Ballon d’Or ayaa ah xidigii hore ee xulka qaranka France ee Thierry Henry kaas oo sheegay in xidiga reer Brazil ee Rafinha ee Barcelona uu faa’iido ka haysto Salah marka loo eego gooldhaliyaha ugu sareeya tartanka Champions League.

Henry ayaa sharaxay in Rafinha uu yahay ciyaaryahan dhameystiran oo gool dhaliya isagoon wax gool ah dhalinin, taageerta daafaca, cadaadiska saara kooxaha kasoo horjeeda, waana weeraryahan dhameystiran.

Rafinha ayaa ku guulaystay in uu Barcelona ku hogaamiyo wareega 8-da kadib markii uu laba gool ka dhaliyay kooxda Benfica halka Salah aanu ku guulaysan in uu isla wareegaas soo dhaafo waxaana kooxdiisa laga reebay Paris Saint-Germain isaga oo aan wax gool ah dhalin.

Waa hubaal in fursadihii Salah ay si weyn u saameysay ka bixitaankii murugada lahaa ee Yurub, laakiin sidoo kale arrintu waxay ku xiran tahay waxa ka dhici doona xilli ciyaareedka ka harsan Salah iyo sidoo kale tartamayaashiisa.

Post a Comment

0 Comments