Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday la taliyihiisa arrimaha maamul goboleedyada
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu xilkii kaga qaaday Lataliyihiisa Arrimaha Federaalka Maxamed Xasan Ibraahim Gooni.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay howsha uu u qabtay Goni, isagoo u rajeeyay inuu ku guuleysto howlaha horyaalla, isagoo ku ammaanay doorkii Goni intii uu xilka hayay iyo daacadnimada iyo naf hurnimada uu qaranka u hayo.
Talaabadani waxay ka dhigan tahay dhacdooyinka is-beddelka maamul ee isdaba jooga ah iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sii wado dhismaha kooxdiisa.
0 Comments