Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Kampala
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaasi oo uu kaga qeyb galayo booqasho rasmi ah.
Madaxweyne Maxmauud ayaa la filayaa in uu kulan la qaato dhiggiisa Uganda, Yoweri Museveni, oo uu kala hadli doono xoojinta xiriirka labada dal iyo ballaarinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan faylalka la dagaallanka argagixisada gobolka.
Uganda ayaa ka mid ah dalalka ugu caansan ee gacan ka geysta howlgalka Midowga Afrika ee lagu taageerayo xasilinta Soomaaliya (OSOM), kaasoo door muhiim ah ka ciyaara taageeridda dadaallada amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.
0 Comments