Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Leftagrin, ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda UK u fadhiya Somaliya Danjire Mike Nethafriakis.
Inta uu socday kulanka ayaa labada dhinac waxa ay kaga wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada kala duwan oo ay ka mid yihiin horumarinta iyo iskaashiga dhanka amniga.
Sidoo kale waxaa dib u eegis lagu sameeyay taageerada Boqortooyada Ingiriiska ay siiso maamulka Koonfur Galbeed ee dhanka tababarida iyo qalabeynta ciidamada, taasoo ka qeyb qaadaneysa xaqiijinta hadafyada horumarineed iyo sare u qaadida xasiloonida maamulkaasi.
0 Comments