Cabdul Qaadir Maxamed Nuur waa Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Soomaaliya

 Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dekedaha oo xilka la wareegay ayaa ballan qaaday inuu xoojin doono amniga badda


Cabdulqaadir Maxamed Nuur

Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegay xilkiisa.

Wasiirka ayaa khudbadiisa kadib markii uu xafiiska la wareegay wuxuu balan qaaday in uu kor u qaadi doono amniga xeebaha Soomaaliya, dib u habeynta dekedaha dalka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyadoo ujeedadu tahay in la horumariyo ganacsiga badda.

Intii ay socotay munaasabada xil wareejinta ee ka dhacday magaalada Muqdisho, Nuur ayaa ku nuux nuuxsaday muhiimadda istiraatijiyadeed ee dekedaha Soomaaliya iyo awoodooda dhaqaale, isagoo xusay inay u taagan yihiin xarun weyn oo dhanka saadka ah oo ku taal gobolka Geeska Afrika.

17-kii Maarso, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Berri ayaa ku dhawaaqay magacaabista Abdelkader Mohamed Nuur inuu noqdo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, isku shaandheyn lagu sameeyay Golaha Wasiirada oo ka kooban shan wasaaradood oo ay ku jirto Wasaaradda Gaashaandhigga.

Post a Comment

0 Comments