Xamza Cabdi Barre ayaa la kulmay Mr. Kimiyao Fan, Agaasimaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la kulmay Agaasimaha Bankiga Adduunka oo ay ka wada hadleen horumarinta dhaqaalaha


Xamza Cabdi Barre iyo Mr. Kimiyao Fan

Xamza Cabdi Barre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Madaxa Bankiga Adduunka ee Soomaaliya, Kenya, Rwanda iyo Uganda Mr. Kimiao Fan, isagoo kala hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa kobaca dhaqaalaha iyo hirgelinta mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka ayaa labada dhinac waxa ay carabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay sii wadida iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka ee dhinacyada muhiimka ah sida dhismaha dowladnimada, dowlad wanaagga, iyo hindisayaasha horumarineed ee waara.

Doodaha ayaa sidoo kale lagu soo qaaday kaalmada uu Baanka adduunku ka bixiyo qaybaha muhiimka ah ee bulshada, sida daryeelka caafimaadka, waxbarashada iyo gargaarka bini’aadantinimo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay doorka Bankiga Adduunka uu ka qaadanayo dadaallada dib u habeynta dhaqaalaha dalka, waxa uuna bogaadiyay sida ay hay’addu uga qeyb qaadaneyso xaqiijinta xasilloonida maaliyadeed iyo taageerada ay ka geysaneyso dib u habeynta siyaasadda dhaqaalaha.

Dhankiisa, Mr. Kimiao Fan ayaa ku nuux-nuux saday sida ay uga go’an tahay Bankiga Adduunka inay taageeraan qorshaha soo kabashada dhaqaalaha iyo horumarinta Soomaaliya, wuxuuna bogaadiyay dadaalka ay dowladdu ugu jirto sidii kor loogu qaadi lahaa u adkeysiga dhaqaalaha iyo xaqiijinta in barnaamijyada horumarineed ay gaaraan bulshada u baahan.

Post a Comment

0 Comments