Wasiirka Shidaalka Soomaaliya ayaa heshiis iskaashi la saxiixday Asarbayjaan
Wasiirka Shidaalka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Tahir Shiri Maxamed ayaa heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Tamarta ee dalka Asarbayjaan Mudane Parviz Shahbazov. Heshiisku wuxuu diiradda saarayaa iskaashiga qaybta shidaalka iyo gaasta, iyada oo ujeedadu tahay in laga faa'iidaysto khibradda Asarbayjaan si kor loogu qaado ilaha tamarta iyo kaabayaasha Soomaaliya.
Is-afgaradka ayaa waxaa lagu kala saxiixday kulan ay wada yeesheen labada wasiir, iyadoo heshiiskan uu ahaa mid muhiim u ah xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhanka tamarta. War saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya, ayuu Wasiir Maxamed ku muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay iskaashigan, isagoo yiri: “Waxaan ku faraxsanahay inaan heshiis is-afgarad ah la saxiixdo Mudane Parviz Shahbazov, Wasiirka Tamarta ee Asarbayjaan, si kor loogu qaado iskaashiga dhinaca saliidda iyo gaasta”.
Heshiisku waxa uu xooga saarayaa dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto sidii ay u horumarin lahayd kaydka shidaalka iyo gaasta aan wali laga faa’iidaysan, kaas oo awood u leh in uu si weyn uga qayb qaato kobaca dhaqaalaha iyo madaxbanaanida tamarta dalka.
Azerbaijan, oo ah waddan khibrad dheer u leh sahaminta iyo soo saarista saliidda iyo gaasta, ayaa la filayaa inay bixiso khibrad farsamo, aqoon isweydaarsi iyo taageero Soomaaliya si ay uga shaqeyso abuuritaanka qayb xoog leh. Wasiir Tahir Sharii ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay iskaashiga, isagoo xusay in ay ka dhigan tahay tallaabo istiraatijiyadeed oo lagu soo jiidanayo maalgashi caalami ah iyo in la dhiso awoodda warshadaha tamarta ee Soomaaliya.
Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in iskaashiga kala dhexeeya Asarbayjaan ay qeyb weyn ka qaadan doonto soo saarista awooda kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya iyo abuurista fursado horumar dhaqaale. Sidoo kale, Wasiirka Tamarta ee dalka Asarbayjaan Parviz Shahbazov, ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay inay taageerto himilooyinka tamarta ee Soomaaliya, wuxuuna bogaadiyay heshiiskan inuu saldhig u yahay iskaashiga muddada fog ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada baarista shidaalka iyo gaaska iyo wax soo saarka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
Saxiixa heshiiska is afgaradka ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay si firfircoon u raadineyso kala duwanaanshaha dhaqaalaheeda ayna yareyso ku tiirsanaanta qeybaha soo jireenka ah. Horumarinta warshadaha saliidda iyo gaasta ayaa loo arkaa inay tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah istaraatiijiyadda dhaqaale ee ballaaran ee dalka, iyadoo suurtagal ah in la abuuro shaqooyin, dakhli abuur iyo soo jiidasho maalgashi shisheeye.

0 Comments