Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Faqi ayaa maanta oo Axad ah xafiiskiisa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Suudaan u fadhiya Soomaaliya Mudane Abdel Rahman Khalil Ahmed Abkar.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo sidii loo sahmin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan leh.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isweydaarsaday aragtiyo ku aadan isbedelada gobolka, gaar ahaan xaalada amni iyo mida siyaasadeed ee Sudan.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dalkiisu uu si buuxda ula garab taagan yahay dowladda iyo shacabka Suudaan, isagoo ku celceliyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay ixtiraamto madax-bannaanida Suudaan, isla markaana aysan faragelin ku sameyn arrimaheeda gudaha, marka laga soo tago baaqyada iyo dadaallada la doonayo in lagu soo dhiso dowlad barbar socota.
0 Comments