Mudane Bashiir Maxamed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya

 Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay iskaashiga dhinaca ilaalinta deegaanka


Mudane Bashiir Maxamed Jaamac

Wasiirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Bashiir Maxamed Jaamac iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale.

Kulanka ay wada qaateen labada wasiir iyo mas’uuliyiintii la socotay ayaa waxa ay kaga wada hadleen sare u qaadida iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ee ku aadan sidii la isaga kaashan lahaa ilaalinta deegaanka, waxa ayna isla garteen muhiimada ay leedahay ilaalinta iyo ka hortagga xaalufinta dhirta, waxa ay sidoo kale garwaaqsadeen saameynta isbedalka cimiladu ay ku yeelatay bulshooyinka Soomaaliya iyo Kenya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jibriil Ibraahim Cabdali oo ka qeyb galay kulanka ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in labada dowladood ay kala saxiixdaan heshiis is afgarad ah oo ku saabsan horumarinta deegaanka iyo magacaabista guddiyo farsamo si loo dar dar galiyo howshan.

Kulanka labada wasiir ayaa xaqiijinaya sida ay Soomaaliya iyo Kenya uga go’an tahay inay iska kaashadaan wax ka qabashada caqabadaha deegaanka iyo horumarinta horumar waara.

Post a Comment

0 Comments