Deeq Raashin ah oo Imaaraadku ugu deeqay qoysas danyar ah oo ku nool magaalada Muqdisho
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Mudane Maxamuud Macalin Cabdallah ayaa deeq raashin ah oo loogu talagalay qoysaska danyarta ah iyo kuwa danyarta ah ka guddoomay Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Danjire Axmed Juma Al Rumaithi.
Madaxa Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ayaa gaarsiiyay deeqdan oo qorshuhu ahaa in la gaarsiiyo 600 oo qoys degmooyinka Cabdul Casiis, Xamruuni iyo Shangaani oo ka tirsan gobolka Banaadir, isagoo ku nuux nuuxsaday in mudnaan gaar ah la siiyo qoysaska ay sida weyn ugu baahan yihiin.
Mr. Al Rumaithi ayaa dhankiisa ballan qaaday in bisha Ramadaan ee soo socota ay dalka soo gaari doonaan gargaar bini’aadantinimo oo culeyskeedu dhan yahay 7,000 oo tan oo ka imaanaya dowladda Imaaraadka Carabta, ujeedkuna uu yahay sidii loo caawin lahaa shacabka Soomaaliyeed ee u baahan taageerada iyo kaalmeynta nolol maalmeedkooda.
0 Comments