Mudane Maxamuud Benibiini, ayaa la kulmay wafdi ka socda Switzerland oo uu hoggaaminayo Mr. Leo Nasher

 Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo la kulmay wafdi ka socday Switzerland


Mudane Maxamuud Benibiini

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Benyebene ayaa la kulmay wafdi ka socday Switzerland oo uu hoggaaminayay Mr. Leo Nasher, si loo dardargeliyo iskaashiga labada dal.

Wadahadalada diiradda lagu saaray hirgelinta Barnaamijka Isbeddelka Qaranka, meelaynta yoolalka horumarinta waara, nidaamyada xogta, iyo kordhinta taageerada Swiss.

Wasiirka ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sida ay dowladda Switzerland uga go’an tahay horumarka Soomaaliya. "Waxaan ka mahadcelinayaa taageerada aan kala go'a lahayn ee Switzerland, waxaanan rajeynayaa inaan sii qoto dheereyno iskaashigayada horumar waara," ayuu yidhi.

Post a Comment

0 Comments