Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya, halkaas oo uu kaga qeyb galayo booqasho rasmi ah oo ku aaddan xoojinta xiriirka labada dal.
Madaxweynaha ayaa si heer sare ah loo soo dhaweeyay, waxaana isaga iyo wafdigii la socday ay garoonka diyaaradaha ee Tripoli ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Liibiya oo uu uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka dalkaas sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee kala dhaxeeya Soomaaliya.
Inta uu ku guda jiro booqashadiisa Tripoli, Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu la kulmo Mr. Mohammed Al-Menfi, Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Liibiya, oo ay ka wadahadlaan xaaladda gobolka iyo danaha guud ee labada dal.
Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay ka wada hadlaan horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda, la dagaalanka tahriibka iyo dhameystirka soo celinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada dalka Liibiya.
0 Comments