Soomaaliya ayaa u bilaabatay wadahadal ay kaga mid noqonayso Ururka Ganacsiga Adduunka
Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jammeh, ayaa shalay oo Talaado ahayd magaalada Geneva kula kulmay Agaasimaha Guud ee Ururka Ganacsiga Adduunka, Dr. Ngozi Okonjo-Iweala, oo ku aaddan billowga hannaankii ay Soomaaliya uga mid noqon lahayd Ururka Ganacsiga Adduunka.
War saxaafadeed ay dowladda federaalka Soomaaliya ka soo saartay shirka ayay ku tilmaantay tallaabo wanaagsan oo lagu gaarayo hadafka Soomaaliya ee ah ka mid noqoshada ururka ganacsiga adduunka.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa muujiyay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay dardar gelinta nidaamka ku biirista, isagoo carabka ku adkeeyay in dalka uu ka mid yahay xubnaha ururka.
Dhankeeda, Dr. Ngozi Okonjo-Iweala ayaa ballan qaaday inay Soomaaliya siin doonto taageerada farsamo ee lagama maarmaanka ah, iyadoo ku nuuxnuuxsatay doorka ururka ee fududaynta ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha dalalka xubnaha ka ah.
Ururka Ganacsiga Adduunka ayaa hadda xubno ka ah 166 waddan, oo u dhiganta 98% ganacsiga caalamiga ah, waxaana ku jira waddamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Hong Kong, Macau, iyo Taiwan.
0 Comments