Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hambalyo u diray Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti kadib markii uu ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, kaddib markii uu ku guuleystay xilka guddoomiyaha Midowga Afrika.
Madaxweynaha ayaa xusay in Soomaaliya ay rajaynayso in ay si dhow ula shaqeyso Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika si loo horumariyo himilooyinka guud ee nabadda, amniga iyo horumarka qaaradda.
Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu aad ugu mahadcelinayo Madaxweynaha xilka kasii dagaya Moussa Faki Mahamat sida daacadda ah ee uu ugu adeegay Afrika, isagoo carabka ku adkeeyay in dalkiisu uu garab taagan yahay Midowga Afrika si loo gaaro Afrika mid ah oo barwaaqo ah.
Maanta oo Sabti ah, Maxamuud Cali Yuusuf Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, kaddib markii uu helay 33 cod, isagoo wareegii ugu dambeeyay kaga guuleystay musharraxa Kenya ee Raila Odinga, kaddib tartan adag oo uu ugu jiray jagadaas.
Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Midowga Afrika ayaa sugaya arrimaha muhiimka ah ee qaaradda, oo ay ku jiraan caqabadaha nabadda, is-dhexgalka dhaqaalaha iyo dib-u-habaynta Midowga Afrika.
0 Comments