Sii daynta markab kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Yemen oo lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya
Ciidamada Badda Midowga Yurub ee howlgalka Atlanta ayaa ku guuleystay in ay soo furtaan markab kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Yemen kaasi oo lagu afduubtay xeebaha waqooyi ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Dhacdadan ayaa dhacday 8-dii bishii Febraayo, waxaana lagu tilmaamay dhac hubeysan oo ka dhacay badda, maadaama ay ka dhacday gudaha badda Soomaaliya.
Dhacdadaas ka dib, ciidamada badda ee Midowga Yurub ayaa billaabay baaritaanno ballaaran oo dhanka badda iyo cirka ah.
Ciidamada ayaa u daabulay markabka si ay u xaqiijiyaan badqabka 12-ka shaqaale ee la socday markabka, kuwaas oo dhamaantood xaaladooda ay wanaagsan tahay.
Budhcad badeeda ayaa waxa ay xadeen qaar ka mid ah agabka gaarka ah iyo laba doonyood oo yar yar ka hor inta aanay ka tagin markabka oo ay la kulmeen cilad dhinaca mishiinka ah.
0 Comments