Soomaaliya iyo Sanduuqa Horumarinta Abu Dhabi ayaa gaaray heshiis lagu xallinayo deyn dhan 257 milyan oo doolar
Qorshaha horumarinta iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, ayaa dowladda Soomaaliya iyo Sanduuqa Horumarinta Abu Dhabi waxa ay ku dhawaaqeen in ay heshiis rasmi ah ka gaareen deyn dhan 257 milyan oo dollarka Mareykanka ah, taasoo lagu maalgelinayo mashruuca Warshada Sonkorta ee Juba.
Heshiiskan ayaa waxa saxeexay Wasiirka Maaliyadda, Mudane Biixi Iman Aghi, iyo Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Abu Dhabi, Mohammed Saif Al Suwaidi, xaflad rasmi ah oo ka dhacday 11-kii February, 2025, magaalada Dubai.
Sida ay qortay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, heshiiskan ayaa u furaya wadashaqeyn dheeraad ah oo dhex marta labada dhinac ee dhinacyada horumarinta dhaqaalaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana uu xaqiijinayaa in Sanduuqa Horumarinta Abu Dhabi uu ka taageero mashaariicda horumarineed ee dalka.
Heshiiskan ayaa imaanaya xilli dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay sidii ay u soo jiidan lahayd maalgashi caalami ah iyo sidii loo xoojin lahaa qaab dhismeedka dhaqaalaha dalka kadib markii ay meesha ka saartay deymaha dibadda.
0 Comments