Wasiirka Warfaafinta Dawud Cawis Jaamac, oo Muqdisho ka furay shir afar maalmood socon doona

 Soomaaliya ayaa martigelisay madal looga hadlayo doorka bulshada rayidka ah ee la dagaalanka xagjirnimada


Dawud Cawis Jaamac

Shalay oo Sabti ahayd, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daa’uud Cawis Jaamac, ayaa magaalada Muqdisho ka furay madal afar maalmood socon doona, kaasi oo diiradda lagu saarayo sidii loo xoojin lahaa doorka bulshada rayidka ah ee la dagaalanka xagjirnimada.

Madasha, oo ay soo qabanqaabisay Xarunta Topsan iyada oo la kaashanaysa Xarunta Caalamiga ah ee Xallinta Khilaafaadka, Nabadaynta iyo Dhismaha Nabadda ee Qaahira (CCPT-Aswan), waxay isu keentaa khubarada iyo daneeyayaasha si ay uga doodaan xeeladaha lagu xoojinayo awoodda bulshada si ay uga hortagaan dacaayadaha xagjirnimada.

Hindisaha waxaa looga golleeyahay in lagu xoojiyo bulshooyinka maxalliga ah, hoggaamiyayaasha diinta iyo ururada bulshada rayidka ah si ay ula dagaallamaan fidinta fikradaha xagjirnimada iyada oo loo marayo wacyigelin iyo ololeyaal waxbarasho.

Ka qeyb galayaasha ayaa sidoo kale ka doodi doona sidii kor loogu qaadi lahaa wada jirka bulshada iyo sidii meesha looga saari lahaa kooxaha xagjirka ah ee ka jira qeybaha kala duwan ee dalka.

Waxaa xusid mudan in dowladda Soomaaliya ay beryahan dambe xoojisay dadaallada ay kula dagaalamayso xagjirnimada, iyadoo aqoonsatay doorka bulshada rayidka ah oo muhiim u ah ka hortagga xagjirnimada iyo taageeridda nabad waarta.

Post a Comment

0 Comments