Madaxweynaha Soomaaliya: "Xalka iskahorimaadka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo waa inuu ku xiran yahay wadahadal iyo nabad."
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Dar es Salaam kaga qayb galay shir aan caadi ahayn oo heerkiisu sareeyo oo ay isugu yimaadeen dalalka Bariga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD, kaasi oo diiradda lagu saarayay sidii xal loogu heli lahaa colaadda ka aloosan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo (DRC).
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad uu ka jeediyay shir madaxeedkan waxa uu ku nuux-nuux saday muhiimadda uu kulankaasi u leeyahay sidii loo qaadi lahaa xasillooni ka dhalata gobolka. Wuxuu kaloo carabka ku adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xubin ka ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, si loo xoojiyo doorka Afrika ee wax ka qabashada colaadaha qaaradda.
Waxa uu xusay in colaadda bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ay ka dhigan tahay "musiibo bini'aadannimo" oo u baahan jawaab degdeg ah si loo xaqiijiyo nabadda. Waxa uu intaa ku daray: "Diblamaasiyadda wadajirka ah ee ka dhaxaysa labada urur, EAC iyo SADC, waxay ka dhigan tahay fure muhiim ah oo lagu qaboojinayo xiisadaha, xalkuna waa inuu noqdaa wadahadal iyo wadahadal halkii uu ka noqon lahaa mid milatari."
Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in dalkiisu uu garab taagan yahay dadaallada nabadeed ee ay hormuudka ka yihiin EAC iyo SADC, isla markaana Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay ku biirto khibradeeda ku aaddan dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dalka si ay gacan uga geysato xallinta colaadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
0 Comments