Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Asarbayjaan oo booqasho ku yimid Soomaaliya si uu kor ugu qaado iskaashiga labada dhinac
Wafdi heer sare ah oo ka socda dalka Asarbayjaan oo uu hoggaaminayo wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee dalka Azerbaijan Yalchin Rafiev ayaa booqasho ku yimid Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si ay ugu kuur galaan sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo bini’aadantinimada, iyo sidoo kale xoojinta xiriirka labada dal.
Intii ay ku guda jireen booqashada wafdiga Asarbayjaan waxay la kulmeen ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, iyo wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Axmed Macallin Faqi, oo ay wehliyaan mas’uuliyiin badan.
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray rajada laga qabo iskaashiga laba geesoodka ah ee dhowr meelood oo muhiim ah, oo ay ku jiraan saliidda iyo gaasta, tamarta dib loo cusboonaysiin karo, beeraha, kalluumeysiga, gargaarka bini'aadantinimo, iyo waxbarashada.
Wafdiga Asarbayjaan waxaa ka mid ahaa wakiilo ka socda Wasaaradaha Gaashaandhigga, Warshadaha Difaaca, Tamarta, Sayniska iyo Waxbarashada, Dhaqaalaha, iyo Beeraha, iyo sidoo kale Wakaaladda Gobolka ee Adeegga Dadweynaha iyo Hal-abuurka Bulshada ee Madaxweynaha Asarbayjan.
0 Comments