Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay iskaashiga dhinaca Cadaaladda
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Garyaqaan Baashi Yuusuf Axmed, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Wasaaradda Cadaaladda iyo Sharciga ee dalka Masar. Wada-hadalladan ayaa diiradda lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada tababarka, is dhaafsiga khibradaha iyo casriyeynta garsoorka.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday Hay’adaha Garsoorka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashi ayaa carrabka ku adkeeyay xiriirka qotoda dheer ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, isagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay dadaallada iskaashiga ah ee lagu horumarinayo laguna casriyeynayo hannaanka garsoorka labada dal. Waxa uu tilmaamay in labada dal ay si joogta ah uga qeyb qaadan doonaan tababar iyo khibrad is dhaafsi.
Dhankooda mas’uuliyiinta garsoorka dalka Masar ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta ballaaran ee loo sameeyay intii ay ku sugnaayeen. Waxay qireen horumarka baaxadda leh ee ay gaareen hay’adaha garsoorka Soomaaliya, waxayna caddeeyeen inay diyaar u yihiin inay si dhow uga wada shaqeeyaan xoojinta iyo casriyeynta cadaaladda iyo hannaanka sharci ee labada dal.

0 Comments