Xasan Sheekh ayaa qasriga madaxtooyada Muqdisho ku qaabilay ergayga gaarka ah ee Finland Suldaan Siciid Axmed

 Madaxweynaha Soomaaliya oo qaabilay ergayga gaarka ah ee Finland u qaabilsan dhexdhexaadinta nabadda


Xasan Sheekh iyo Suldaan Siciid Axmed

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho ku qaabilay ergayga gaarka ah ee Finland u qaabilsan dhexdhexaadinta nabadda gobolka Geeska Afrika, Suldaan Siciid Axmed.

Madaxweynaha ayaa intii uu kulanku socday waxa uu kala hadlay Ergeyga Finland sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga diblomaasiyadeed ee labada dal, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa dadaallada nabadda iyo amniga ee gobolka.

War saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay in madaxweyne Maxamuud uu bogaadiyay doorka Finland ay ka qaadaneyso taageeridda dadaallada lagu dhisayo nabadda, isagoo caddeeyay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in si ballaaran ay isaga kaashadaan dhinacyada amniga, horumarka iyo dib u habeynta dowladnimada.

Dhankiisa, ergeyga Finland ayaa xaqiijiyay in dalkiisa ay ka go’an tahay taageerada nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika iyadoo loo marayo istaraatijiyad diblomaasiyadeed iyo dhexdhexaadin oo lagu horumarinayo xasilloonida mustaqbalka fog.

Post a Comment

0 Comments