Dab Xoogan Oo Laastay Suuqa Labaad Ee Ugu Weyn Magaalada Hargeysa
Dab xooggan ayaa ka kacay suuqa Iidaada oo ah suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, inkastoo ciidamada dabdemiska ay ku guulaysteen inay damiyaan dabkaasi, ayaa haddana waxa uu geystay khasaare hantiyeed oo gudaha suuqaasi ku yaalla, sida ay sheegeen ilo lagu kalsoon yahay.
Qaar ka mid ah ganacsatada ayaa sheegay in dabku xilli hore la damin karay, balse la’aanta waddooyin ay maraan baabuurta dab damiska ayaa keentay inuu sii faafo.
Qaabka uu u yaalay suuqaasi ayaa waxaa ku adkeysay in gawaarida dab damiska ay gaaraan goobta uu dabka ka kacay, waxaana taasi ay keentay in dab damiska ay meel fog ka buufiyaan ka hor inta aysan ku guuleysan daminta dabkaasi.
Dab xooggan ayaa sanado ka hor ka kacay suuqa weyn ee Waahin ee Somaliland, waxaana ku dhaawacmay ilaa labaatan qof, waxaana uu geystay khasaare maaliyadeed iyo burbur xooggan.

0 Comments