Ciidamada Ilaalada Jamhuuriga ayaa soo riday diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ah oo dul heehaabaysay madaxtooyada

 Ciidamada Ilaalada Jamhuuriga ayaa soo riday diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ee Drone-ka ah oo dul heehaabeysay Madaxtooyada Soomaaliya


Madaxtooyada

Ilo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa ku waramaya in Ciidanka Jamhuuriya ay soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka ah oo aan la garaneyn cidda ay ka tirsan tahay, taasi oo shalay dul heehaabeysay Madaxtooyada Muqdisho.

Sida ay sheegeen saraakiisha, laba diyaaradood ayaa lagu arkay agagaarka madaxtooyada, waxaana u suuragashay ilaalada mid ka mid ah, iyadoo aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto diyaaradda labaad.

Baaritaanadii ugu horeeyay ayaa muujinaya in diyaarada la soo riday aysan wadan waxyaabaha qarxa, taasoo sare u qaadeysa suurtagalnimada in loo adeegsado dabagal ama xog aruurin.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka oo ku aadan dhacdadan, iyadoo aan la ogeyn halka laga keenay labadan diyaaradood.

Post a Comment

0 Comments