Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa la kulmay ku-simaha ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan

 Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo la kulmay Ergeyga Qaramada Midoobay ayaa kala hadlay dib u habeynta Garsoorka dalka


Mudane Xasan Macallin Maxamuud iyo James Swan.

Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa la kulmay ku simaha ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan oo ay ka wada hadleen dib u habeynta garsoorka Soomaaliya iyo hanaanka dib u eegista dastuurka.

Wada-hadalladan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dhameystiri lahaa shanta cutub ee ka harsan dastuurka iyo xoojinta hannaanka cadaaladeed ee dalka.

Wasiir Xasan Macalin Maxamuud ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay taageerada joogtada ah ee ay ka helayso Qaramada Midoobay, gaar ahaan xoojinta dowladnimada iyo dib u habeynta sharciga ee Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado dhisidda nidaam cadaalad ah oo hufan.

Post a Comment

0 Comments