Dab xoogan ayaa ka kacay suuqa Bacaad oo ah suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho

 Dab xoogan ayaa ka kacay suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho


Suuq Baad

Dab xoogan ayaa ka kacay suuqa Bacaad oo ah suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho sida ay inoo sheegeen dad goob joogayaal ah.

Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegaya in dabkan uu ka dhashay cilad koronto oo ka dhacday mid ka mid ah bakhaarada ku yaala gudaha suuqa, ka hor inta uusan si dhaqsi ah ugu fidin goobo ganacsi oo kale.

Kooxaha gurmadka deg dega ah oo ay ku jiraan kuwa dab damiska ayaa u gurmaday goobta uu dabka ka kacay si ay u xakameeyaan dabka.

Ilaa hadda, maamulku ma soo saarin wax xog ah oo ku saabsan dhibanayaasha iyo khasaaraha ka dhashay dabka.

Post a Comment

0 Comments