Kenya oo dhex dhexaadin ka wadda xalinta khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland

 Kenya ayaa dhex dhexaadin ka wadda xalinta khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland


Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe

Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay kaalin dhexdhexaadin ah ka qaadaneyso khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Jubbaland.

Wasiirka Deegaanka, Isbadalka Cimilada iyo Kaymaha ee Kenya Aadan Barre Ducaale, ayaa sheegay in Kenya ay ku dooneyso qaab Diblomaasiyadeed in lagu xaliyo Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Ducaale ayaa carabka ku adkeeyay in Kenya ay ixtiraameyso madax banaanida Soomaaliya, islamarkaana aysan faragelin doonin arrimaheeda gudaha, isagoo ku micneeyay socdaalkii Axmed Madoobe ee dhawaan uu ku tagay dalka Kenya in uu la xiriiro sidii kor loogu qaadi lahaa isfahamka labada dhinac.

Waxaa xusid mudan in khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Jubbaland uu sii xumaaday bishii hore ee November kadib markii Axmed Madoobe mar kale loo doortay madaxweynaha Jubbaland doorasho ay dowladda Soomaaliya u aragto sharci darro.

Post a Comment

0 Comments