Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Michael Nithavrianakis

 Britain ayaa bogaadisay howlgalka lagu ciribtirayo maleeshiyada Daacish ee ku sugan Puntland


Siciid Cabdullaahi Deni, Michael Nithavrianakis

Sabtidii, Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xafiiskiisa Magaalada Boosaaso ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Danjire Michael Nithavrianakis.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Deni iyo mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumaddiisa ay kulan la qaateen Safiirka iyo wafdiga la socday, waxaana ay ka wada hadleen howlgallada ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraha “Alamskad” ee dhulka duurjoogta ah ee maamulkaasi.

Warku wuxuu intaa ku daray in dawladda Ingiriisku ay ku ammaantay Puntland dadaalka ay ugu jirto sidii ay meesha uga saari lahayd canaasiirta, taas oo ay ka qayb qaateen Maraykanka iyo Imaaraadka Carabta.

Sida war-murtiyeedka lagu sheegay wada-hadalladan ayaa lagu soo qaaday sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga ka dhexeeya Ingiriiska iyo Puntland ee dhinaca mashaariicda horumarineed, waxaana sidoo kale lagu soo qaaday xaaladda guud ee Soomaaliya.

Post a Comment

0 Comments