Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo gaaray magaalada Qaahira si uu uga qeyb galo shirka degdega ah ee madaxda wadamada Carabta
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa gelinkii dambe ee shalay gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, si uu uga qeyb galo shir deg deg ah oo madaxda waddamada Carabta ay ku yeelanayaan Qaahira, kaasoo looga hadlayo arrimaha Falastiin.
Afhayeenka rasmiga ah ee xukuumadda federaalka, Farxaan Maxamed Jumcaale, ayaa xaqiijiyay in wafdiga Soomaaliya ee uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha ay ka qayb-galayaan howlaha shirka aan caadiga ahayn ee madaxda dalalka Carabta oo lagu wado in maalinta Talaadada ah uu ka furmo magaalada Qaahira.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo shirka, isagoo ka hadli doona mowqifka adag ee ay Soomaaliya ka taagan tahay barakicinta shacabka Falastiin.
0 Comments